DFS oo sheegtay in howlgal ka dhacay Dhuusamareeb ay ku dishay xubno ka tirsan Al-Shabaab.

13

Saraakiisha Ciidamada xoogga gaar ahaan Qeybta 21-aad ee gobolada Dhexe ayaa sheegay in ay dileen xubno ka tirsanaa Al-Shabaab, kadib howlgal ay ka sameeyeen duleedka magaalada Dhuusamareeb.

Waxay sheegeen in ay dileen Laba Xubnood oo ka tirsanaa Al-Shabaab halka, halka mid kale isaga oo dhaawac ah gacanta ay ku dhigeen.

Sidoo kale saraakiisha ayaa sheegay in inta uu socday howlgalka ay qabsadeen hub kala duwan.

Ma jiro war madaxbanaan oo laga helayo howlgalkan ay habeenimadii xalay fuliyeen ciidamada xoogga.

Magaalada Dhuusamareeb oo ayaa xalay waxaa weerar Huubiye loo adeegsaday ku qaaday Al-Shabaab, xilli ay halkaasi ku sugnaayeen madaxda sare ee dalka sida Madaxweynaha dowladda Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.