Axmed Madoobe oo gaaray Dhuusamareeb

13

Madaxweynaha maamulka Jubbaland Axmed Maxamed Islaam Axned Madoobe iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamarreeb ee gobolka Galgaduud.

Shirka Dhuusamareeb, oo la filayo in uu maanta furmo, waxa looga arrinsan doonaa muran ka aloosan Arrimaha doorashada, kaas oo u dhexeeya dowladda Federaalka Soomaaliya, dowlad goboleedyada qaarkood iyo murashixiinta mucaaradsan dowladda.

Shirka ayaa ku soo beegmaya, xilli xalay weerar hoobiyaal ah lagu duqeeyay magaalada Dhuusamareeb oo marti-gelinaysa Shirka