Ra’iisul Wasaare Rooble oo gaarey Dhuusamareeb

16

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa galabta gaarey magaalada Dhuusamareeb ee caasimada dowlad goboleedka Galmudug, halkaasi oo uu dhowaan ka furmi doono shir u dhaxeeya Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada iyo Gobolka Banaadir.

Madaxweynaha Dowladda Galmudug Axmed Cabdi Kaariye ayaa Garoonka Diyaaradaha Dhuusamareeb ku soo dhaweeyay Ra’iisul wasaaraha iyo wefdiga safarka ku wehliya.

Socdaalkan Ra’iisul Wasaaraha kusoo gaaray Dhusamareeb ayaa ku saabsan inuu ka qeyb galo shirka Madaxda Dowladda Federaalka iyo Dowladaha Xubnaha ka ah oo la filayo inuu barri si rasmi ah u furmo.

Sidoo kale waxaa isna galabta gaarey Caasimada Galmudug ee Dhuusamareeb Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen.

Waxaa la filayaa in ay iyana gaaraan Dhuusamareeb madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda Federaalka ee shirka ka qeyb galeysa, kuwaasi oo uu kamid yahay Madaxweynaha dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo