Wasiir Janan oo shaaciyey tirada askartii looga qabtay dagaalkii Beled-Xaawo

27

Wasiirka amniga ee maamulka Jubaland, Cabdirashiid Xasan Cabadinuur (Janan) ayaa qirtay in dagaalkii dhawaan ka dhacay degmada Beled Xaawo looga qabtay ciidamo ka tirsanaa askartiisa.

Janan oo wareysi siiyey BBC ayaa sheegay in ay jiraan ciidamo dhan 37 askari oo qaarkood la qabtay qaarna ay is dhiibeen.

“Anaga ciidan 37 qof ah ayaa 16 ka mid ah la qabtay inta kalana ay is dhiibeen, laakiin labo boqol iyo boqol midna nagalama qaban,” ayuu yiri.

Gudoomiyaha gobolka Gedo, Axmed Buulle Gareed, ayaa isna sheegay in ciidan dhan 250 askari ay ku qabteen dagaalkii 25-kii January ka dhacay Beled Xaawo.

Muuqaallo lagu faafiyay baraha bulshada ayaa muujinaya askar sheegay inay ka tirsanaayeen ciidanka Jubaland ee dagaalka lagu qabtay.

Wasiirka amniga ee maamulka Jubaland Cabdirshiid Xasan Cabadinuur (Janan) ayaa dhanka kale qiray in looga itaal roonaaday dagaalkii dhawaan ka dhacay degmadaas deriska la ah magaalada Mandheera.

Waxaa uu intaa ku daray in magaalada ay markii hore qabsadeen balse markii dambe khataro soo wajahay darteed ay ka soo baxeen.

“Talagalkeenu ma ahayn inaan ka laabano (magaalada) laakiin way dhacday in laga laabto oo ay ciidankii dib u laabtaan saacado kadib xaalado dhacay awgeed,” ayuu yiri.