Madaxweynaha Koonfur Galbeed Oo Gaaray Magaalada Dhuusamareeb

18

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed Soomaaliya Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa daqiiqado kahor gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Galmudug.

Garoonka diyaaradaha ayaa waxaa Madaxweyne Lafta-gareen iyo wafdigiisa kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor iyo xubno kale oo ka tirsan Maamulkiisa, waxaana loo galbiyay dhinaca Madaxtooyada.

Madaxweyaha Koonfur Galbeed ayaa ka qeyb galaya Shirka Madaxda dowladda Federaalka iyo kuwa maamul Goboleedyada oo Maanta ka furmaya Magaalada Dhuusamareeb.

Sidoo kale Caasimadda Galmudug ayaa waxaa ku wajahan Madaxweyneyaasha maamul Goboleedyada, kuwaasi oo ka qeyb galaya Shirka, waxaana socota qaban-qaabadii ugu dambeysay ee lagu soo dhaweynayo.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muran iyo khilaaf ka jira iyo sidii lagu xalin lahaa khilaafka taagan