Jubbaland Oo Ka Shirtay Amniga Doorashada Xildhibaanada Baarlamaanka

0

Madaxweyne ku-xigeenka dowlad Goboleedka Jubbaland Maxamuud Sayid Aadan ayaa maanta oo Isniin ah shir-gudoomiyay kulanka bilaha ah ee Golaha amniga heer Dowlad Goboleed, kaasi oo ka lagu qabtay Magaalada Kismaayo.

Kulanka ayaa intii uu socday waxaa looga hadlay amniga deegaanada Jubbaland, howlgaladii ugu dambeeyay Ciidanka Maamulka fuliyeen iyo sidii loo dardar-gelin lahaa howlgalada ka dhan  ah Al-shabaab.

Madaxweyne ku-xigeenka Jubbaland ayaa saraakiisha uu kulanka la qaatay kala hadlay u diyaar garoowga sugida amniga doorashooyinka Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee ka dhaceysa Jubbaland.

Dhanka kale, Maxamuud Sayyid Aaden ayaa tacsi u diray eheladii iyo qaraabadii ay ka  geeryoodeen dadkii ku waxyeeloobay weerarkii Al-shabaab ku qaadeen hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Ugu dambeyn Madaxweyne ku-xigeenka koowaad ee Jubbaland ayaa Alle u weydiiyey, inuu Janada geeyo intii dhimatay weerarkii ka dhacay Caasimadda dalka Muqdisho, halka kuwii ku dhaawacmayna uu Caafimaad deg deg ah u rajeeyay.

Kulanka ayaa waxaa ka qeyb galay Sarakiisha Ciidamada kala duwan ee Jubbaland, Ciidamada Xooga dalka iyo kuwa nabad ilaalinta Midowga Afrika AMISOM ee howlgala deegaanada Maamulkaas.