Ra’iisul Wasaare Rooble Oo Hortegaya Baarlamaanka Dalka Iyo Ujeedkiisa

15

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ku dhawaaqay inuu hortegayo Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka ee muddo xileedku 27-kii bishii December dhammaaday.

Qoraal kasoo baxay Xafiiska Ra’iisul Wasaare oo laga Akhriyay Telefashinka Qaranka ayaa waxaa lagu sheegay Ra’iisul Wasaaraha uu 9-ka bishaan Febraayo hortegayo Baarlamaanka, si uu Warbixin ugu jeediyo.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa Xildhibaanada Baarlamaanka uga Warbixin doona Waxqabadka Xukuumaddiisa ee saddexdii bilood ee lasoo dhaafay tan iyo markii xilka loo magacaabay, sidoo kalena uu hadli doono Arrimo kale.

Dhinaca kale Rooble ayaa tacsi tiiraanyo leh u diray shacabkii xalay waxyeeladu ka soo gaartay weerarkii Al-shabaab gelinkii dambe ee shalay ku qaadeen Hotelka Afrik ee Magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay ka feejignaadan wax uu ugu yeeray Cadowga gudaha iyo ka Dibadda, isla markaana meel looga soo wada jeesto.

8-da bishaan Febraayo ee 2021 ayaa waxaa ku eg muddo xileedka Madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, xili uu horey u dhammaaday muddo xileedka Baarlamaanka 10-aad.