Barlamaanka Hirshabeelle Oo Mar Kale Ansixiyay Codsi Uga Yimid Cali Guudlaawe

10

Madaxweynaha Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe ayaa Maanta hortegay kulan ay yeesheen Xildhibaanada Baarlamaanka labaad ee Maamulkaas, kaasi oo ka dhacay Magaalada Jowhar.

Kulankaan oo uu shir Guddoominayay Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan xaaji Muxumed oo uu wehlinaayo Gudoomiye ku-xigenka 2aad ayaa Ajendahiihu waxaa uu ahaa ka Jawaabida Codsi uga yimid Madaxweynaha oo ahaa  muddo kordhinta dhismaha Xukuumaddiisa.

Guddoomiyaha Baarlamanka ayaa Xildhibaanada u faah faahiyey sida ay muhiim u tahay in Madaxweynaha lasiiyo waqti kufilan, si uu u soo magacaabo Golihiisa Wasiirada, xili horey Xildhibaanada Waqtiga magacaabista Golaha u kordhiyeen Guudlaawe.

Madaxweynaha ayaa Xildhibaanada ka codsaday inay muddo kordhin uu kusoo magacaabo Wasiirada Cusub u sameeyaan, waxaana aqbalay Codsigaas Xildhibaanada Baarlamaanka oo Cod taag ah ku ansixiyay.

54 Xildhibaan ayaa ogolaaday Codsiga, mana jirin wax diiday ama ka aamusay, waxaana natiijada markii dambe ku dhawaaqay Guddoomiyaha Baarlamanka Hirshabeelle Dr. Cabdixakim Luqmaan Muxumed oo shaaciyay in Codsiga la meel mariyey.