Dad maanta jir dir iyo xarig loogu geystay magaalada Beledweyne

15

Ciidamada booliska Soomaaliya ee Haramcad ayaa maanta kala eryay dad u badan dhalinyaro oo banaanbax ka dhigayay magaalada Beledweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Goobjoogayaal ayaa Idaacadda Kulmiye u sheegay in boolisku ay xireen haween iyo dhalinyaro oo banaanbaxaas ka qeyb galay.

Sidoo kale Booliska ayaa lagu eedeeyay inay jirdil iyo handadaad u geyteen dadka qaar, kuwaas oo ay ka mid tahay, Deeqo Cabdi Waare oo la dhalatay Madaxweynihii hore ee HirShabeelle.

Todobaneeyo qof ayey ciidanku xireen, kuwaas oo guryahooda lagala baxay markii uu dhamaaday banaanbaxa waxaana lagu eedeynayaa in ay soo abaabuleen.