Madaxweyne Farmaajo oo gaarey Dhuusamareeb

16

Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayay ayaa goordhow gaaray magaalada Dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud.

Wefdiga Madaxweynaha waxaa garoonka Diyaaradaha ee Ugaas Nuur ee caasimada Galmudug ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug, ku-xigeenkiisa iyo mas’uuliyiin kale.

Socdaalka Madaxweynaha JFS mudane Farmaajo ayaa la xiriira qabsoomida shirkii u dhawaan ku baaqay ee dhexmari doona Madaxda DFS iyo DX ah, shirkaas oo ay marti gelineyso Dowladda iyo shacabka Galmudug.