Mucaaraadka oo dalbaday in ay ka qeyb galaan shirka Dhuusamareeb

15

Golaha Midowga Musharixiinta ee xilka Madaxweynenimo ayaa dalbaday in ay kamid noqdaan dhinacyada ka qeyb galaya shirka la filayo in uu ka furmo magaalada Dhuusamareeb ee uu madaxweyne Farmaajo isugu yeeray dowlad goboleedyada iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir.

War-saxaafadeed ay soo saareen Golaha ayay ku codsadeen iyadoo la eegaayo siduu shirka mira-dhal ku noqon lahaa, waxaa loo baahanyahay qeyb galaan wakiilo ka socda gobolada Waqooyi oo uu ugu horreeyo guddoomiyaha Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Midowga Musharixiinta iyo Bulshada Raydka.

Golaha ayaa sidoo kale soo jeediyay in waqti ku filan oo looga baaraan dago caqabaha hortaagan fulinta shirkii 17-septembar la wada qaato, isla markaasna loo baahanyahay dhinac qaata kaalin dhexdhexaad ah, hubiyana fulinta go’aamadii shirka Dhuusamarreeb.

Musharixiinta ayaa sheegay in ay muhiim tahay in uu gobolka Banaadir helo matalaad siyaasadeed iyagoo ka digay in loo adeegsado olole doorasho.

Sidoo kale waxaa ay eedeyn u soo jeediyeen Madaxweyne Farmaajo oo ay ku eedeeyeen in uu wado damac muddo kororsi ah.

“Goluhu marna Ma aqbalayo muddo kordhin loo sameeyo madaxweynaha, marka uu idlaado muddo xileedkiisa” ayay yiraahdeen Golaha Musharixiinta.

Dhinaca kale Golaha Midowga Musharixiinta ayaa ka tacsiyeeyay dadkii ku geeriyooday Qarixii maalintii shalay ka dhacay Hotee Afrik ee Muqdisho.