Madaxweynaha Hirshabeelle Oo Ka Degay Magaalada Dhuusamareeb

16

Madaxweynaha dowlad Goboleedka Hirshabeelle Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe iyo wafdi uu hoggaaminayay ayaa Goordhow gaaray Magaalada Dhuusamareeb ee Xarunta Maamulka Galmudug, iyadoo halkaas lagu soo dhaweeyay.

Madaxweyne Guudlaawe iyo wafdigiisa ayaa waxaa Garoonka diyaaradaha kusoo dhaweeyay Madaxweynaha Galmudug Axmed Qoorqoor, ku-xigeenkiisa iyo xubno kale, waxaana Madaxweynaha safarka ku wehlinayay Xildhibaano iyo Mas’uuliyiin kale.

Ujeedka Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa waxaa uu yahay sidii uu uga qeyb geli lahaa Shirka la filayo in Caawa Dhuusamareeb uga furmo Madaxda dowladda iyo kuwa maamul Goboleedyada dalka.

Madaxweyne Cabdicaiis Xasan Maxamed Lafta-gareen ayaa goorsii horey oo Maanta ah gaaray Caasimadda Galmudug, waxaana halkaas ku wajahan Madaxweyaha Jubbaland oo isla Maanta lagu wado inuu tego halkaas.

Shirka oo socon doona muddo saddex maalmood ah ayaa waxaa looga hadli doonaa xaaladda siyaasadeed ee dalka gaar ahaan arrimaha doorashooyinka oo muran iyo khilaaf ka jira iyo sidii lagu xalin lahaa khilaafka taagan.