Al-Shabaab oo shaaciyey in bartilmaameedkoodu ahaa Jeneraal Galaal

11

Ururka Al-Shabaab oo war ka soo saaray weerarkii gelinkii dambe ee shalay lagu qaaday Hotelka Afriik ee magaalada Muqdisho ayaa shaaciyey in bartilmaameedka weerarkaas uu ahaa Jeneraal Maxamed Nuur Galaal oo ka mid ahaa dadkii lagu dilay halkaas.

Al-Shabaab waxay sheegeen in 13-sano ee la soo dhaafay ay ku raad joogeen Jeneraal Galaal, isla markaana ay ku raadi jireen fursad ay ku dilaan.

Waxay ku eedeeyeen in qibradiisa ciidan uu mudo dheere u adeegsanayey burburinta Al-Shabaab, isla markaana saaxiibada caalamiga ah ee dowladda Soomaaliya uu ka caawin jiray khaarajinta xubnahooda sare.

Maamulkii Ahlu-Sunna ee gobollada dhexe dagaalka adag kula galay Al-Shabaab ayey sheegeen inuu wax ka aas-aasay, sidoo kale maamulka hadda ka jira gobollada dhexe ee Galmudug ayey tilmaameen in waqti badan ku bixiyey dhismihiisa

Sidoo kale waxay Al-Shabaab qoraalkooda ku sheegeen in sanadkii 2008-dii uu Jeneraal Galaal ka qeyb qaatay dilkii magaalada Dhuusamareeb loogu geystay aas-aasihii Al-Shabaab Aadan Xaashi Ceyrow oo duqeyn lagu dilay.

Al-Shabaab ayaa qoraalkan ay soo saareen ku sheegay in weerarkan oo bartilmaameedkiisa ugu weyn uu ahaa dilka Jeneraal Galaal ay ku dileen 23 qof oo kale.