Wararkii Ugu Dambeeyay Qaraxyo Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

20

Warar kala duwan ayaa lag helayaa Qarax goordhaweyd ka dhacay Magaalada Muqdisho, gaar ahan waddada aadda Garoonka Diyaaradaha ee Aaddan Cadde, waxaana Qaraxu uu si gaar ah uga dhacay Iridda hore ee Hoteel  Afrik.

Wararku waxaa ay intaa ku darayaan in Qaraxu uu ahaa mid loo adeegsaday gaari waxyaabaha Qarxa laga soo buuxiyay oo lagu dhuftay Iridda  hore ee Hotel Afrik, waxaana xigay Rasaas xooggan oo la isku adeegsaday, iyadoo wararku sheegayaan in dableydii weerarka soo qaadday ka dagaalamayaan qayb ka mid ah Hoteelka.

Qaraxa waxaa ka dhashay dhimasho iyo dhaawac, waxaana ilaa hadda aan la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarkaasi qaraxyada ku billawday, waxaan goobta soo buux dhaafiyay Ciidan farabadan oo Dowladda ka tirsan, iyayoo sidoo kale warar ka aan helayno  ay sheegayaan in Ciidanka sida gaarka ah u tababarane ee Haramcad ay goobta gaareen, waxaana socda dagaal toos ah oo u dhexeeya Ciidanka iyo Kooxdii weerarka oo qaadday.

Sidoo kale waxaa jira Qaraxyo kale oo ilaa labo qarax ah, kuwaasi oo si xooggan looga maqlay Magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa intaa ku daraya in xiliga hoteelka la weerarayay ay ku sugnaayeen Saraakiil ka tirsn dowladda Soomaaliya iyo dad shacab, balse ilaa hadda lama sheegin wax Saraakiil ah oo wax ku noday Weerarkaasi Qaraxyada ku billawday, waxaana gudaha Hoteelka laga soo bad-baadiyay Qaar ka mid ah Saraakiishii ku sugnaa gudaha Hoteelka.

Wixii kusoo kordha halkaan kala soco.