Sh\Hoose:Carruur ku geeriyootay Walxa Qarxa oo ay Ku Ciyaarayeen

12

Wararka Idaacadda Kulmiye ee Magaalada Muqdisho ay ka heleyso deegaanka Galweyn ee Hoostaga degmada Shalan-bood ee Gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa sheegaya halkaasi uu ka dhacay Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac.

Qaraxaas ayaa waxaa uu ka dhashay Qori nuuca loo yaqaano Hoobiye oo xilligaasi ay carruur yar yar ku ciyaareysay.

Qof kamid ah dadka deeganka oo a hadlay Idaacadda Kulmiye ayaa u sheegay  in Caruurta ay gargaraaceen ubucda Hoobiya,hayeeshee markii dambe uu qarxay,waxaana halkaas ku geeriyootay mid kamid ah carruurtaasi,halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen.

Caruurta dhaawacantay ayaa waxaa loo soo qaaday Isbitaalka wayn ee degmada Shallanbood,halkaasi oo lagu dabeebayo xaalladooda caafimaad.

Carruur badan ayaa horay dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay walxo qarxa oo ay ku ciyaarayeen deegaano ka tirsan Gobolada dalka.

Hey’adaha Miino baarista ayaa horay uga digay waxyaabaha qarxa ee duugoobay ee looga tago deegaanada ay colaaduhu ka jiraan ama xerooyinka ciidamada ka guuraan.