Hoggaamiyaha Baxsadka Ah Ee Tigree-Ga Oo Muddo Kadib Soo Hadlay

4

Hoggaamiyaha baxsadka ah ee gobolka Tigray Debretsion Gebremichael ayaa markii ugu horreysay farriin soo diray muddo ka badan labo bilood oo uu dagaal ka socday gobolkaas.

Wuxuu ugu baaqay beesha caalamka inay baaraan tacaddiyada ka dhanka ah xuquuqda aadanaha oo ay geysteen ciidamada Itoobiya iyo kuwa Eritrea isla markaana ku tilmaamay inay geysteen xasuuq.

Wareysi laga qaaday Debretsion Gebremichael oo lagu daabacay bogga Facebook uu ku leeyahay raadiye maxalli ah ayaanan la ogeyn xilligga laga soo duubay ama halka ku sugan yahay.

Wuxuu xaqiijiyay in xubno sar sare oo ka tirsanaa TPLF ay dileen ciidamada Itoobiya iyo xulafadooda. Debretsion Gebremichael ayaa tan iyo bishii Nofembar dhuumaaleysi ku jiray kaddib markii uu ka cararay caasimadda Mekelle oo ay qabsadeen ciidamada dowladda.

Weli wuxuu dagaal ka socdaa qeybo kamid ah gobolka Tigray.

Ha’yadaha gargaarka waxay sheegeen in malaayiin qof oo ku nool gobolka ay u baahan yihiin gargaar banii’aadanimo.