Shacabka iyo Maamulka Galmudug oo soo dhoweeyay shirka ka furmaya Samareeb.

12

Bulshada ku nool Caasimadda Galmudug ee Samareeb ayaa soo dhoweeyey Shirka Dhowaan la filayo in lagu qabto Magaaladaas, kaas oo uu ku baaqay maaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Shacabka oo aragtidooda ka dhiibtay shirkan ayaa xusay inuu yahay shir laga filayo in ay ka soo baxaan guulo la taaban karo lagu gaaro go’aan mideysan oo lagu wajaho doorashooyinka.

Dhinaca kale waxaa iyana Shirka soo dhoweeyey Guulna ku tilmaamay Wasiiro iyo Xildhibaano ka tirsan Dowlad Goboleedka Galmudug oo Shirkaas Marti-galinays, waxa ayna ugu baaqeen Cid waliba oo tabasho qabta inay ka soo qeybgasho Madashaas.

Tan iyo Markii go’aankan uu ka soo baxay Xafiiska Madaxwaynaha Soomaaliya ayaa Magaalada Samareeb waxaa laga dareemayaa diyaargarow iyo soo dhoweyn waxaana xusid mudan in Sanadkii tagay Magaalada lagu qabtay Shirar looga arrinsanayey Masiirka Dalka iyadoona kani noqanayo kii 4-aad ee Galmudug Martigaliso.