Galmudug Oo Maamul Cusub U Magacaawday Degaan Ka Tirsan Mudug

14

Wasiirka Wasaaradda Arimaha gudaha, Federaalka iyo dib u heshiisiinta dowlad Goboleedka Galmudug Cabdi Maxamed Jaamac Cabdi-Waayeel ayaa Maamul cusub u magacaabay deegaanka Xeero-Dahabley ee Gobolka Mudug.

Wareegto kasoo baxday Xafiiska Wasiir Cabdi-Waayeel ayaa lagu magacaabay Maamulka deegaanka, kuwaasi oo ka kooban 11-xubnood, waxaana Guddoomiye looga dhigay Mowliid Maxamed Jimcaale Dhaga-cade

Sababta keentay magaacbista maamulka ayaa waxaa lagu sheegay inay tahay baahi loo qabo ka shaqeynta horumarada iyo baahiyaha ay qabaan dadka deegaanka Xeero-Dahable ee Gobolka Mudug.Dowlad Goboleedka Galmudug ayaa  dhawaan maamul cusub u magacaawday deegaanka Wisil ee Gobolka Mudug, kuwaasi oo ka shaqeyn doona sidii loo dardar gelin lahaa adeegyada Bulshada.