Kulan Looga Hadlay Xal U Helida Fatahaadda Webiga Oo Maanta La Qabtay

14

Kullan u dhexeeyay Madaxa Wasaaradda Qorsheynta iyo Hay’adda NIS-Somalia ayaa looga hadlay sidii xal waara looga heli lahaa fatahaadda wabiga shabeelle ee Magaalada Baledweyne ee Gobalka Hiiran.

Kulankan ayaa waxaa gudoomiyay Agaasimaha Qorsheynta Muuse Maxamed Cusmaan, Oo ay wehliyaan Agaasimaha waaxda Xal-waara Zahra Abdi, Agaasimaha Maalgashiga Maxamed Dubow, Madaxa Xariirka Deeq-bixiyayaasha DFS Asad Yuusuf Qanyare, La taliyeyaal sare oo Wasaaradda ka tirsan iyo Madaxda Hay’adda NIS-Somalia.

Masuuliyiinta ka qeybgalay kulanka ay gor-feeyay sida qiimeyn weyn loogu sameyn lahaa meelaha uu ka fataho wabbiga Shabeelle ee magaalada Balad-weyne, ka dibna loo dayactir lahaa Kanaalada iyo wabbiga iyo in carada laga saaro, taa oo hor seedi karta in xal waara laga gaaro fatahaadda soo noqnoqotay.

Dowladda Soomaaliya oo kaashanaysa saaxiibadeeda Caalamka ayaa waddo dedaalo ku aadan wax ka qabashada fatahaadaha ay sameynayaan wabiyada Shabeelle iyo Jubba.