Soomaaliya iyo Turkiga oo kala saxiixday heshiis cusub

12

Wasaarada Caddaalada Xukumadda Federaalka Soomaaliya iyo Safsafaarada Turkiga ee Soomaaliya ayaa kala saxiixday heshiis la xiriira sidii dowladda Turkiga ay u horumarin laheyd Xabsiyada dalka.

Wasiirka wasaaradda Caddaalada iyo safiirka safaaradda Turkiga ee Soomaaliya ayaa goob joog ka ahaa heshiis ay kala saxiixanayeen Wasaarada Cadaalada Iyo Safaarada turkiga ee Soomaaliya.

Heshiiskaan oo quseeyey hormarinta xabsiyada dalka iyo waxbarida maxaabiista waxaa labada dhinac u kala saxiixay Agaasimaha guud Axmed yuusuf Xasan iyo Wakiilka Hay.ada bisha cas u jooga Soomaaliya Alakis jagwin.

Agaasimaha guud ee Wasaarada Caddaalada Axmed yuusuf xasan ayaa si bogaadiyey garab istaag dowlad Turkiga sidoo kale agaasimha ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo isugu jira dhismo iyo horumarin lagu samaynayo Xabsiyada ku yaala dalka

Heshiiska maanta ayaa ku soo aadaya xilli Wasiirka Cadaalada XFS uu horay u sheegay in ay ku dadaalayaan hormarinta xabsiyada la socodka nolosha maxaabiista iyo sare uqaadida caddaalada dalka.