Weerar lagu qaaday hoyga guddoomiyaha G/Sanaag ee Puntland

18

Wararka aan ka heleyno gobolka Sanaag waxay sheegayaan in xalay weerar lagu qaaday hoyga guddoomiyaha maamulka Puntland u qaabilsan gobolka Sanaag uu ka degan yahay magaalada Badhan.

Guddoomiyaha gobolka Sanaag ee Puntland Cali Xuseen ayaa waxaa hoygiisa ku weerar koox hubeysan oo aan weli heybtooda la garan, kuwaas oo rasaas ku furay guriga guddoomiyaha.

Illaa hada lama soo werin wax khasaare ah oo ka dhashay weerarkaas, waxaana baxsatay kooxdii fulisay weerarkaas.

Wararkii u dambeeyey ee aan maanta ka heleyno Badhan waxay sheegayaan in magaalada ay ka socdaan howlgallo lagu baacsanayo ragii fuliyey weerarkaas.