Askar ka tirsaneed ciidanka wasiir Janan oo iska dhiibtay Beled-Xaawo

30

Wararka aan ka heleyno gobolka Gedo waxay sheegayaan in ciidamo ka soo goostay wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Xasan CabdinuurJanan ay iska dhiibeen magaalada Beled-Xaawo.

Ciidamadaas oo isku dhiibay kuwa xoogga dalka ee ku sugan magaalada Beled-Xaawo ayaa tiradooda lagu sheegay sideed askari oo wata qoryahooda.

Saraakiisha ciidamada dowladda federaalka ee ku sugan Beled-Xaawo ayaa KNN u xaqiijiyey in ciidamada isisoo dhiibay ay ka mid ahaayeen ciidanka wasiirka amniga Jubbaland Cabarashiid Janan ee dhawaan dagaalka ku soo qaaday magaaladaas.

Sidoo kale saraakiishaan waxay noo sheegeen in ciidamadaan ay ku biiri doonaan kuwii horay isugu soo dhiibay, isla markaana ay cafisay dowladda Soomaaliya oo la qarameyn doono.

Cabdirashiid Janan oo shalay ka hadlaayey dagaalkii ka dhacay magaalada Beled-Xaawo ayaa wacad ku maray magaaladaas aysan sii heysa doonin ciidamada dowladda federaalka, isagoo shacabka ku nool Beled-Xaawo ugu baaqay in naftooda badbaadsadaan.