Shirkii ay ku baaqeen Jubaland iyo Puntland oo baaqday iyo wararkii u dambeeyey

19

Waxaa maanta baaqday oo aan qabsoomeyn shirkii ay sida wadajir ah ugu baaqeen madaxweynayaasha dowlad gobolleedyada Puntland iyo Jubbaland, sida aan xogta ku helnay.

Labadaas maamul goboleed ayaa qoraal ay dhawaan wadajir u soo saareen waxay ku dalbadeen in la isugu yimaado Sabtida maanta ah shir deg deg ah oo looga arinsanayo qabsoomida doorashooyinka dalka.

Shirkaas ayaa maanta baaqday mana socdaan wax qaban-qaabo ah oo weli bilaawday si loo qabto shirkaas.

Madaxweynayaasha dowlad goboleedyada ayaa midkoodna ku sugneyn magaalada Muqdisho, taas oo ka dhiggan in shirkaas uusan qabsoomi doonin maanta.

Labada dowlad goboleed ee Puntland iyo Jubbaland ayaa dhawaan soo magacaabay guddiyadii doorashada ee laga sugayay bilihii la soo dhaafay, inkastoo dowladda Soomaaliya ay ku gacan-seyrtay hanaanka loo maray soo magacaabidda xubnahaas.

Beesha cmCaalamka ayaa dhankeeda soo dhaweysay xubnaha ku metelaya guddiyda doorashada ee ay soo magacaabeen Puntland iyo Jubbaland, sidoo kale waxay beesha caalamku soo dhaweysay shirka deg dega ah ee labadaas maamul ay ku baaqeen in la isugu yimaado.

Dhanka kale madaxweyne Farmaajo ayaa maanta la sheegay inuu madaxtooyada ku qaabili doono xubnaha ugu sareeya wakiillada beesha caalamka u qaabilsan Soomaaliya, si looga arrinsado khilaafka hareeyey doorashooyinka dalka iyo sidii meesha looga saari lahaa.

Beesha Caalamka ayaa wada dadaallo xoog leh oo ay meesha uga saareyso khilaafka doorashooyinka dalka, waxaana lagu wadaa in shir kale ay maalmaha soo socda isugu yimaadaan madaxda dowladda federaalka iyo kuma dowlad goboleedyada.