Qorshe G/Banaadir Uu Kula Wareegayo Maamulka Adeega Caafimaadka Oo Socda

21

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa Maanta kulan la qaatay Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Dr. Fowsiya Abiikar Nuur.

Kulanka labada masuul ayaa diirada lagu saaray sida ugu dhaqsiyaha badan ee Maamulka Gobolka Banaadir kula wareegi lahaa Adeegyada Caafimaad ee ay hadda bixiso Wasaaradda Caafimaadka.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay maamulada dalka ugu daadejineyso adeegyada caafimaadka ee ay shacabka u baahan yihiin.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa maalmo kahor kulan la yeeshay Guddi loo xil saaray wareejinta Maamulka Xarumaha Caafimaadka ee ku yaalla Muqdisho, isagoo Warbixin ka dhageystay Guddiga.