Kulan Looga Hadlaayay Amniga Gobolka Bari Oo Maanta La Qabtay

29

Kulan looga hadlaayay amniga Gobolka Bari ayaa Maanta waxaa lagu qabtay Magaalada Boosaaso ee Xarunta Gobolkaas, waxaana shir guddoomiyay kulanka Wasiirka amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan.

Kulanka ayaa waxaa Warbixino oo la xiriira dhinaca looga dhageystay Guddoomiyeyaasha degmooyinka Gobalka Bari, iyagoona ka hadlay xaaladdaha amni ee degmooyinkooda ka jira iyo shaqooyinka ka socda.

Wasiirka amniga dowlad Goboleedka Puntland Cabdisamid Gallan ayaa Guddoomiyeyaasha degmooyinka faray inay sii laba jibaaran howlaha sugida amniga, si looga hortego wax kasta oo keeni kara amni darro dhacda.

Sidoo kale inta uu socday kulanka ayaa waxaa ku biiray Guddi loo xil saaray qaban qabada shirka nabadeenta beelo ku dagaalamay deegaano hoostega degmada isku-shuban, kuwaasi oo dhexmaray dagaal khasaaro kala duwan geystay.

Kulanka amniga Gobolka Bari ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Taliyaha Ciidanka Bolliska Dowlada Puntland, Maamulka Gobalka Bari, Taliyaha qeybta Booliska Gobalka G/Sare Xuseen Cali Maxamuud, Mamaulka Bosaaso iyo xubno kale.