Aabe gabadhiisa ku dilay degmada Buurhakaba

47

Faah-faahino dheeraad ah ayaa laga helayaa Aabe gabadhiisa si silac ah ugu dilay gudaha degmada Buurhabaka ee gobolka Bay, taas oo naxdin badan ku abuurtay dadka reer Buurhakaba.

Aabaha dilay gabadhiisa waxaa lagu magacaabaa Abuukar Ibraahim Cali, halka gabadha uu dilay lagu magacaabi jiray Faa’iso Abuukar Ibraahim, waxaana dilkaas sababay khilaaf dhax-maray gabadha iyo Eedadeed uu qabay Aabaheed Abuukar Ibraahim.

Faa’iso oo mudo ku nooleed guriga Aabaha dilay ayaa waxaa ka dacwootay Eedadeed oo ay dhar ka xiratay, taas oo kaliftay in Aabe Abuukar Ibraahim oo xirxiro gabadhaas cunadana laga soomiyo illaa naftu ay ka baxday.

Gabadha la dilay hooyadeed oo lagu magacaabo Mariin Maxamed Cumar Cadow ayaa KNN uga warantay sida uu u dhacay falkaas, waxayna hey’adaha garsoorka dalka ka dalbatay in caddaaladda la marsiiyo Aabaha dilay gabadheeda