Maamulka G/Gedo Oo Digniin Adeg U Diray Gaadiidleyda Balad-Xaawo

12

Guddoomiyaha Gobolka Gedo ee dowladda Federaalka Axmed Buulle Garaad Canjeex ayaa mar kale ka hadlay hadalkii kasoo yeeray Wasiirka amniga Jubbaland C/rashiid Janan ee ahaa inay weerar ku qaadi doonaan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo.

Guddoomiye Axmed Buulle oo muuqaal iska soo duubay ayaa waxaa uu sheegay in Wasiir Janan iyo Ciidankiisa ay soo hubeysay Kenya aysan wax dagaal ah kusoo qaadi karin Balad-xaawo, uuna been yahay hadalkii kasoo yeeray Wasiir Janan iyo Col .Cabaas.

Waxaa uu sheegay in maalin kasta ay soo gaaran Askar uu xusay inay kasoo goosteen Ciidanka Wasiirka amniga Jubbaland oo ku sugan duleedka degmadaas, isagoona kula taliyay Askarta ku sugan halkaas inay isku soo dhiibaan Ciidanka dowladda Federaalka.

Shacabka ku sugan Balad-xaawo ayuu Guddoomiyaha Gedo Cajeex ugu baaqay in aysan barakin,  isla markaana ay ku kalsoonaadan Ciidanka xoogga dalka, uuna been yahay hadalkii hanjabaada ee Janan oo ahaa inay weerari doonaan degmadaas oo ay la dagaalami doonaan Ciidanka dowladda.

Guddoomiye Axmed Buulle Garaad ayaa digniin adeg u diray gaadiidleyda ka shaqeysa gudaha degmada Balad-xaawo, wuxuuna sheegay in Darawalkii lagu arko gaarigiisa oo wada dad barakacayo laga qaadi doono tallaabo sharci ah, lana ganaaxi doono.

Si kastaba Wasiirka amniga Jubbaland ayaa ku hanjabay ay weerar ku qaadi doonaan degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, isla markaana dadka kunool degmadaas uga digay inay ka barakacaan, si natooda iyo maalmooda aanay waxba u gaarin.