MW Farmaajo oo maanta qaabilaya wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya

20

Madaxweynaha Farmaajo ayaa maanta lagu wadaa in uu Villa Somalia ku qaabilo xubno ka socda wakiillada beesha caalamka ee Soomaaliya, waxaana la filayaa inuu la qaadan doono kulmo looga hadlayo khilaafka doorashada Soomaaliya.

Xubnha maanta la kulmaya madaxweynaha waxaa qeyb ka ah Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan, safiirka Mareykanka Donald Yamamoto, safiirka UK ee xilka kasii degaya Ben Fender, ergeyga Midowga Afrika ee Soomaaliya Fransisco Madeira, iyo safiirada dalalka kale, sida aan xogta ku helnay.

Codsiga kulan waxaa la sheegay inuu ka yimid xubnaha beesha caalamka, sida ay noo sheegeen ilo ku dhaw Villa Somalia, waxayna madaxweynah kala hadli doonaan khilaafka hareeyey doorashada dalka.

War shalay ka soo baxay wakiillada Beesha Caalamka ee Soomaaliya ayaa lagu taageeray guddiyadii ay soo magacaabeen maamullada Puntalnd iyo Jubaland iyo sidoo kale shir ay ku baaqeen in maanta oo Sabti ah la qabto, si meesha looga saaro khilaafka hareeyey arrimaha doorashooyinka