Wasiirka Amniga Jubbaland Oo Ku Dhawaaqay Dagaal Ka Dhan Ah Dowladda Federaalka

50

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa ku hanjabay dagaal ay  qabsanayaan Magaalada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo, waxaana uu ka dhawaajiyay arrimo dhowr oo ku aaddan Xaaladda Gobolka iyo Dagalkii dhawaan ka dhacay Gobolkaasi.

Shir ay isugu yimaadeen mas’uuliyiin ka tirsan Jubbaland ayuu ka sheegay Cabdirashiir Janaan dagaal ka dhan ah dowladda Federaalka Soomaaliya, waxaana uu tilmaaamay in sida ugu dhaqsiyaha badan ay ula wareegi doonaan Gobolka Gedo oo uu sheegay in dowladda Soomaaliya ay shacabka ku nool awood Ciidan ku maquunisay, isagoo intaas ku daray in hadda ay dagaal diyaar u yihiin.

Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ayaa shacbka degmada Balad-xaawo ee Gobolka Gedo ugu baaqay in ay degmada isaga baxaan, waxaana intaas uu ku daray in aysan doonayn in  shacabka ay ku kor dagaalamaan, isagoo qof waliba ugu baaqay in meeshii ugu dhaw ee nabad galyo ah uu aado.

Dowladda Soomaaliya ayuu ku eedeyay Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan in faragalin iyo dagaal dan-daansi ah ay ku waddo maamulka Jubbaland, isi gaar ah ayuu Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya mmaxamed cabdulaahi farmaajo ayuu sheegay in uu hurinayo dagaalka, isagoo intaa ku daray in Dowladdu ay Gobolka iyo guud ahaan Jubbaland ay ka waddo colaad iyo iska hor-keenid.

Dowladda Soomaaliya ayaa horay u sheegtay in ciidanka uu hoggaamiyo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan ay yihiin Malleyshiyaad hubeysan oo ay gadaal ka riixayso Dowladda dalka Kenya, iyadoo Kenya ay iska fogaysay eeddaasi.