Guddiga hirgelinta doorashooyinka oo ku baaqay in si deg deg loo xaliyo ismari waaga ka taagan doorashooyinka

19

War qoraal ah oo ka soo baxay guddiga hirgelinta doorashada heer Federaalka ayaa looga hadlay dib u dhaca ku yimid waqtigii loogu tala galay in dalka ay ka dhacaan doorashooyinka

“Guddiga madaxa bannaan ee Hirgelinta Doorashadu wuxuu markasta xeerinayaa wadajirka iyo heshiis dhex mara hoggaanka siyaasadeed ee dalka heerarkiisa kala duwan, iyadoo uu soo dhaweynayo dadaal kasta oo lagu xallinayo arrimaha taagan ee la xiriira doorashada, haddaba iyadoo waddanku uu ku jiro xaalad doorasho, ayna sarrayso diyaar garowga loogu jiro doorashada, guddigu wuxuu soo jeedinayaa iney lagama maarmaan tahay in ay ka dhacdo dalka doorasho, si degdeg ahna loo xalliyo isfaham darrada soo jiitantey ee hakisay in doorashadu ku bilaabato waqtigii loogu tala galay” ayaa lagu yiri qoraalka.

Sidoo kale guddiga ayaa madaxda DFS iyo dowlad goboleedyada ka dalbaday in ay fududeeyaan qabsoomida doorashooyinka, si guddiga ay u qabsadaan howlshooda.

“Guddiga wuxuu xasuusinayaa in mas’uuliyadda fududaynta qabsoomidda doorashadu si wadajir ah u saaran tahay hoggaanka Golaha Wadatashiga Qaran, si guddigu howlihii loo igmaday u guto”

Bayaanka ka soo baxay guddiga ayaa sidoo kale waxaa looga baaqay musharixiinta u tartamaya xilka madaxweynaha dalka looga baahan yahay in ololohooda ay saleeeyaan xasilooni siyaasadeed, islamarkaana ay u turaan shacabka.

“Guddigu, wuxuu ugu baaqayaa murashaxiinta danaynaya in ay u tartamaan xilalka siyaasadeed ee dalka in markasta ay ololahooda ku saleeyaan bed qabka, xasiloonida dalka iyo u turista shacabka Soomaaliyeed, taas oo ah hab dhaqanka wanaagsan ee muwaadinka, waafaqsanna xeerka anshaxa doorashada.”

Ugu dambeyn guddiga ayaa bogaadiyay dadaalada loogu jiro xal u helida ismari waagga ka taagan arrimaha doorashooyinka, iyagoona shaaca ka qaaday in ay diyaariyeen habraaca doorashooyinka

“Guddigu, wuxuu bogaadinayaa dadaalladii ugu dambeeyey ee madaxda Dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada, duubabka dhaqanka, bulshada rayidka iyo beesha caalamka ay xalka ugu raadinayaan sidii la isugu fahmi lahaa qabsoomidda doorashada lagu heshiiyey.
Ugu dambayn, guddigu wuxuu ku wargelinayaa dhammaan dhinacyada siyaasadda in uu guddigu diyaariyey habraacyadii doorashada ee loo baahnaa, una diyaarsanyahay qabashada doorasho xor iyo xalaal ah oo ka dhacda dalka, waafaqsanna heshiiskii siyaasadeed ee ka soo baxay Golaha Wadatashiga Qaran 17kii Sebteembar 2020.” ayaa lagu warsaxaafadeedka ka soo baxay guddiga