Madaxweynaha Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay s wafdi uu hoggaaminayo Ergeyga gaarka ah ee Qaramada Midoobay ee James Swan iyo qaar ka mid ah madaxda Hay’adaha Qaramada Midoobay sida Hay’adda Cunada Aduunka ee WFP iyo Barnaamijka Horumarinta ee UNDP.
Madaxweynaha Galmudug ayaa waxaa kulanka ku wehliyay Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, Gud. Xigeenka Baarlamaanka GM iyo xubno ka tirsan golaha wasiirada Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay qorshayaasha horumarineed ee kasocda Galmudug sida horumarinta dhaqaalaha iyo adeegyada bulshada, dhismaha iyo dhameystirka dowladaha hoose, arrimaha bini’aadanimada, amniga iyo arrimaha doorashooyinka Dalka.
Sida ay sheegtay madaxtooyada Galmudug, Shirka ayaa kusoo dhamaaday si guul ah ayadoo la isku afgartay wada shaqeyn joogta ah.