Mas’uul Ka Tirsan Jubbaland Oo Lagu Dilay Kismaayo

2

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada kismaayo ee xarunta Gobolka Jubbada hoose ayaa ku warramaya in goordhweyd ay dilal ka dhaceen Magaaladaasi, waxaana soo baxaya warar is khilaafsan oo ku aaddan dilalkaasi ka dhacay kismaayo.

Waxaa la sheegaya in magaalada kismaayo  lagu dilay dhowr  qof oo isugu jira dad shacab ah iyo Mas’uuliyiin kale, waxaana dadka caawa Kismayo lagu dilay ka mid ah ah Maareeyihii  dekadda Kismaayo, kaasi oo lagu magacaabi jiray Cawil Cali Barre (Cawil Buluq), waxaana lasoo sheegayaa warar kala duwan oo ku aaddan dilka Mas’uul kaasi.

Marxuumka ayaa la sheegay in ay dileen Ciidan isugu jira Nabad sugid iyo Boolis, waxaana la sheegay in markii hore uu dhaawac culus soo gaaray, kadibna Isbitaalka loola cararay, halkaasi uu ugu dambeytii ku geeriyooday marxuumku.

Sidoo kale waxaa jira warar tilmaamaya in uu ku dhintay Israsaaseyn dhex-martay Ciidamo ka wada tirsan Jubbaland, waxaana sidoo kale dhintay labo ruux oo kale oo ku baxay gacanta ciidanka sida la sheegay.

Dadka kale ee la dilay ayaan ilaa hadda wax xog ah laga helin, waxana dad goobjoogayaal ah ay soo sheegayaan in tirada guud ee dadka la dilay ay tahay Seddex ruux oo uu ku jiro Maareeyihii dekadda Kismaayo.

Wixii kusoo kordha halkaan kaal soco