Madaxweyne Deni Oo Kulan La Qaatay Qunsul Itoobiya U Magacaawday Puntland

21

Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa Qunsul Cusub u magacaawday dowlad Goboleedka Puntland, kaasi oo lagu magacaabo Mr Degnachew Yitbarek, waxaana Maanta uu gaaray Magaalada Garoowe ee Xarunta Gobolka Nugaal.

Degnachew Yitbarek ayaa bedelaya Qunsulkii horey Itoobiya u joogay Caasimadda Puntland ee Garoowe ee Mabratu Waldo Aragay, kadib markii xilka laga qaaday, isagoo dib ugu laaban doona Magaalada Addis Ababa.

Madaxweyne Saciid Cabdullaahi Deni ayaa Maanta Xafiiskiisa kulan kula qaatay Qunsulka cusub ee Itoobiya u soo magacaawday Puntland, iyagoona kala hadlay xiriirka wadashaqeyn ee ka dhexeeya labada dhinac.

Madaxweyne Deni ayaa Degnachew Yitbarek ugu hambalyeeyay xilka loo soo magacaabay, isla markaana waxaa uu u rajeeyay inuu gudan doono waajibaadkiisa shaqo, uuna sidii xoojin doono wadashaqeynta Itoobiya iyo Puntland.