Shir Looga Hadlayay Khataraha Lacag Dhaqidda Oo Ka Furmay Muqdisho

16

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mahdi Maxamed Guuleed Khadar ayaa maanta Magaalada Muqdisho ka furay Shirweynaha Qaran ee warbixinta qiimeynta khataraha lacag dhaqidda (Money Loundery) iyo Maalgelinta argagixisada.

Mahdi Maxamed Guuleed ayaa uga mahad celiyay  Xarunta Warbixinnada Maaliyadda (Financial Reporting Centre) ee  FRC howshan adag ee ay wadday  labadii sano ee la soo dhaafay ee soo ururinta iyo diyaarinta warbixinta qiimeynta Khataraha Qaran iyadoo diyaarinta  Warbixinta u kaashaneysa  Khubaro Soomaaliyeed.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa sheegay In warbixintani qayb ka tahay nidaamka Deyn Cafinta dalka ee inagala dhaxeeya Hay’adaha Lacagta Adduunka Iyo Baanka Adduunka.

Mahdi Guuleed ayaa sidoo kale sheegay inay waajib tahay in aan dhammaanteen ka wada shaqeyno sidii natiijo wax Ku ool ah looga gaari lahaa howshan muhiimka ah.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka dalka ayaa si gaar ah ula dardaarmay xubnaha Guddiga Qaran ee ka hortaga Lacag dhaqida iyo La-dagaallanka Maalgelinta (National Anti-Money Laundry Committee) iyo Hay’adaha kale ee ku shaqada leh in ay xil iska saaraan dhamseystirka warbixinta qiimeynta khataraha Qaran ee lacag dhaqista iyo maalgalinta.

Mahdi ayaa gabagabada u mahadceliyay Guddiga Qaran ee NAMLC iyo Xarunta Warbixinadda Maaliyadda (Financial Reporting Center) oo soo abaabushay shir weynaha qiimeynta khataraha Lacag dhaqida & Maal-gelinta waxa loogu Argagixisada (National Risk Assesment) iyo dhammaan hay’adihii kale oo ka soo shaqeeyey Warbixinta lagu qiimeynayo khataraha lacag dhaqidda.