Guddoomiye Mahad Cawad Oo Ka Hadlay Dil Ka Dhacay Magaalada Muqdisho

14

Kooxo hubeysnaa Bastoolado ayaa duhurnimadii Maanta gudaha Suuqa Bakaaraha ee Magaalada Muqdisho waxaa ay ku dileen Odayaal dhaqameed la sheegay inay ka yimideen deegaan ka tirsan Gobolka Mudug.

Odayaasha la toogtay oo laba ahaa ayaa waxaa lagu kala magacaabi jiray Axmed Suldaan Muxumud suldaan iyo Nabadoon Axmed Cabduqaadir Fiqu, isla markaana waxaa la dilay iyaga oo ku sugan Suuqa Bakaaraha.

Warar la helayo ayaa sheegaya in Odayaasha ay ka yimideen dhinaca deegaanka Bacaadweyn ee Gobolka Mudug, waxaana ka hadlay falkaas Guddoomiye ku-xigeenka labaad ee Golaha shacabka Baarlamaanka Mahad Cabdalla Cawad.

Qoraal uu soo saaray Mahad Cawad ayuu ku sheegay in Odayaasha la dilay ay kamid ahaayeen dad horey u diiday inay ku shaqeeyaan amar kasoo baxay Al-shabaab, hayeeshee xili Maanta ay ku sugnaayeen Suuqa Bakaaraha la toogtay.

“Waxaan tacsi u dirayaa qoyska iyo ehelka Axmed Suldaan Muxumud suldaan Aadan iyo Nabadoon Axmed sh Abdullahi Fiqu cumar oo ahaa odayaal dhaqan oo lagu dilay Muqdisho maanta iyaga oo ahaa dadkii hore u diiday inay ku shaqeeyaan amarka Al-Shabaab” ayuu yiri Mahad Cawad.

Dilka ka dhacay Suuqa Bakaaraha ayaa kusoo aadaya, iyadoo saakay gudaha Suuqa degmada Wadajir ee Gobolka Banaadir lagu dilay Askari ka tirsan Ciidanka dowladda Federaalka gaar ahaan kuwa Canshuurta qaada ee loo yaqaano Minishiibiyada.