Dil goor dhaw ka dhacay degmada Wadajir

9

Askari ka tirsanaa ciidamada booliska Soomaaliya qeybtooda minishiibiyada ayaa goor dhaw lagu dilay degmada Wadajir, gaar ahaan isgoyska Korontada, sida ay KNN u sheegeen dad goobjoogayaal ah.

Rag ku hubeysnaa bastoolado ayaa dilay askarigaas oo canshuur ka uruurinayey gaadiidka dadweynaha ee BL-ka loo yaqaano ee isticmaala wadadaas.

Dilka askariga kadib, waxaa goobta ka baxsaday kooxdii geysatay, waxaana gaaray ciidamo ka tirsan booliska Soomaaliya, kuwaas oo baaritaano ka bilaabay xaafadaha ku teedsan isgoyska Korontada.