Maamulka Puntland Oo Sheegay Inay Qabteen Qaraxyo La Diyaariyey

14

Ciidanka ammaanka Maamulka Puntland ayaa saacadihii lasoo dhaafay howlgalo qorsheysan ka sameeyay xaafaddaha qaar ee Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug dhinaca xiga Maamulkaas.

Howlgalka Ciidamada ayaa intii uu socday waxaa lagu soo qabtay qaraxyo lagu diyaariyay gudaha Magaalada Gaalkacyo iyo kuwo la damacsanaa in la diyaariyo, sida uu sheegay Taliska Booliska Mudug.

Taliyaha Booliska Gobolka Mudug ee Puntland Muumin Cabdi Shire oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in Ciidanka amniga ay ku guuleysteen inay gacanta ku dhigaan qaraxyo la diyaariyey oo la doonayay in lagu dhibaateeyo shacabka Magaalada

Sidoo kale Taliye  Muumin Cabdi ayaa waxaa uu tilmaamay inay ku raad-joogaan dadkii ka dambeeyay diyaarinta qaraxyada, wuxuuna sheegay in lasoo qaban doono, uuna sii socon doono howlgalka amniga lagu xaqiijinayo.

Qarax miino ayaa xalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo lala eegtay gaari ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa ammaanka Puntland, xili ay ku jireen howlgal roondo, waxaana ku dhintay laba qof oo mid uu yahay Askari, halka 8 qof kalena ay ku dhaawacmeen.

Si kastaba Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug ayaa waxaa horey uga dhacay qaraxyo khasaaro geystay iyo dilal qorsheysan oo mas’uuliyadooda sheegteen dagaalamayaasha Al-shabaab.