Maamulka Deg. Kaaraan Oo Ka Hadlay Qaraxii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

2

Maamulka degmada Kaaraan ee Gobolka Banaadir ayaa ka hadlay qaraxii khasaaraha geystay ee barqanimadii Maanta ka dhacay Isgoyska Beexaani ee degmada Shibis ee Magaalada Muqdisho.

Qaraxaas oo ahaa miino la geliyay laamiga dhinaciisa ayaa waxaa lala eegtay gaari nooca Soomaalida u taqaano Qooqan oo ay saarnaayeen Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax iyo Xildhibaan horey Xuseen Caraale iyo xubno kale oo la socday.

Guddoomiyaha degmada Kaaraan Abshir Maxamed Maxamuud Abshir Kaaraan oo la hadlay warbaahinta ayaa u sheegay in qaraxaas ku dhinteen Askar ilaalo u aheyd Mas’uuliyiinta lala eegtay iyo dad shacab ah.

Guddoomiye Abshir Kaaraan ayaa waxaa xusay in qaraxaas ay ku dhaawacmeen Muxudiin Xasan Afrax iyo  Xildhibaan horey Xuseen Caraale, kuwaasi oo la geeyay xarun Caafimaad, si xaaladooda Caafimaad loogu dabiibo.

Shacabka ku dhaqan degmada Kaaraan ayuu Guddoomiyaha ugu baaqay inay la shaqeeyaan laamaha amniga iyo Guddoomiye waaxeedyada, sidoo kalena faray shacabka inay mas’uuliyad ka saaran tahay laamiga dhinaciisa iyo goobaha kale.

Inta la xaqiijiyay 4 Askari oo ilaalo u aheyd Nabadoon Muxudiin Xasan Afrax ayaa ku geeriyooday qaraxa, halka  dad kale oo shacab ahaa ay dhaawacyo kala duwan soo gaareen, kuwaasi oo goobta ka agdhawaa.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa maalmihii ugu dambeeyay kusoo badnayay qaraxyada miinooyinka ee dhulka lagu aaso, kuwaasi oo geystay khasaarooyin isugu jiray dhimasho iyo dhaawac, waxaana qaraxii ugu dambeeyay ee miino ah lagu dilay Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka deegaanka Garasbeeley.