Itoobiya Oo War Kasoo Saartay Askar Soomaali Ah Oo La Sheegay In Ay Ka Qayb Qaateen Dagaalka TPLF

16

Dowladda Itoobiya ayaa war kasoo saartay wararka sheegayay in Askar Soomaaliyeed ay ka qayb qaateen dagaalka u dhexeeya Dowladda Federaalka Itoobiya  iyo TPLF.

Afhayeenka wasaaradda arrimaha dibedda Ethiopia Dina Mufti ayaa sheegay in aysan jirin Ciidan Soomaali ah oo Itoobiya u istimaashay dagaalka ay kula jirto Tigreega, waxaana intaa ku daray in warar kaasi yihiin kuwo been abuur ah.

Dowladda Soomaaliya ayaa loo jeeiyay eedeyn ballaaran oo ku aaddan in Ciidan tababar loo qaadey u gacan galisay itoobiya, kuwaasi oo qayb ka noqday dagaalka lagula jiro Tigreega, waxaana Askarta horay loogu Qaaday Dalka Eriteria oo tababar ahaan loo geeyay.

Waxaana Dowladda laga dalbaday in ay caddeyso halka ay Ciidankaasi ku sugan yihiin iyo xaaladda ay ku sugan yihiin, waxaana qayla dhaan xoogani ay ka imaanaysaa walidiin Soomaaliyeed kuwaasi oo sheegay in caruurtoodii aysan Nolol iyo geeri toona ku ogayn, inkastoo Dowladda Soomaaliya sheegtay in aysan jirin Ciidan Soomaaliyeed oo qayb ka ah dagaalka lagula jiro  TPLF.