Qarax Khasaaro Gaystay Oo Ka Dhacay Magaalada Marka

20

Wararka aan ka helayno magaalada marka ee xarunta Gobolka Shabeellaha Hoose ayaa ku warramaya in goordhaweyd uu qarax ka dhacay Magaaladaasi, waxaana la helayaa faah faahin kala duwan oo qaraxaasi ku aaddan.

Qaraxa ayaa Miino goobta lagu sii diyaariyay, waxaana goobta la qarxiyay ay ahayd goob aad u mashquul badan sida ay ku warramayaan dadka degaanka.

Wararku waxaa ay tilmaamayaan in Qaraxu uu ka dhacay Suuq lagu iibiyo qaadka oo ku yaalla Magaalada Marka, waxaana la sheegay in khsaaaro uu ka dhashay qaraxa.

Dad Goobjoogayaal ah ayaa sheegay in jugta qaraxa ay Maqlayeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada marka, waxaana la sheegay in goobta uu qaraxu ka dhacay ay xiligaasi ku sugnaayeen Ciidanka dowladda iyo dad shacab ah.

Wali lama xaqiijin Khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay Qaraxa, balse waxaa lasoo sheegayaa in uu jiro khasaare dhimasho iyo dhaawac leh, waxaana warar hoose ay sheegayaan in Seddex Askari oo ka tirsan Ciidanka ay ku dhaawacmeen.