Dalalka Kenya iyo Al-jeeriya oo dalbaday in waqtiga loo kordhiyo ciidamada AMISOM

6

War-murtiyeed ay si wada jir ah u soo saareen Wasaaradda Arrimaha Dibadda Kenya CS Raychelle Omamo iyo dhiggeeda Algeria Sabri Boukadoum, ayay labada dal ku sheegeen in Amisom ay door muhiim ah ka qaadatay nabadeynta Soomaaliya iyo la dagaalanka Al-Shabaab.

Wasiiradu waxay xuseen in Amisom ay sii wadayso inay ka shaqeynta ammaanka Soomaaliya balse ay u baahanyihiin maalgelin ay helaan hay’adaha taageera howlgal kooda.

“Marka la eego, wasiirradu waxay ku boorriyeen Qarammada Midoobay inay tixgeliso maalgelinta AMISOM iyada oo loo marayo tabarucaadka ay UN qiimeysay,” ayaa lagu yiri qayb ka mid ah war-murtiyeedka.

Wasiirada ayaa sidoo kale kale ka hadlay khatar Al-Shabab waxayna sheegeen in Al-Shabaab ay weli awood u leeyihiin fulinta howlgallo ka dhan ah ammaanka, iyagoona ugu baaqay Midowga Afrika,iyo Qaramada Midoobay in ay cusbooneysiiyaan waqtiga howlgalka Amison.

Waxay sheegeen in ciidamada dowladda aysan awood u lahayn una diyaarsaneyn in ay la wareegaan booska ciidamada Shaqooyinka nabad ilaalinta ee hadda ay hayaan ciidamamada Amison.

Tan iyo markii ay Amisom la wareegtay howlaha militariga, waajibaadkeedu Amison ayaa haaa awood siinta ciidamada dowladda Soomaaliya, tabarkooda iyo latainta ciidanka. wuxuu ugu horeyn ku wajahanaa awood siinta Ciidamada Amniga Soomaaliyeed iyada oo loo marayo latalin.

Ciidammada nabad ilaalinta ee Midowga Afrika (AMISOM) waxa ay markii ugu horaysay dalka yimaadeen bishii Maarso, sanadkii 2007-dii, xiligaas oo uu Soomaaliya madaxweyne ka ahaa Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxayna suurtagaliyeen in markii ugu horaysay oo madaxweynaha iyo dowladda Soomaaliya ayka howlgalaan caasimadda.