Al-Shabaab oo weeraray saldhig ciidan oo ku yaal Jubbada Hoose

13

Wararka ka imaanaya gobolka Jubbada Hoose ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal culus uu saacadihii la soo dhaafay deegaano ka tirsan gobolkaasi ku dhexmaray ciidamo ka tirsan Jubbaland iyo Al-Shabaab.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab ay weerar ku soo qaadeen saldhig ciidamada Jubbaland ku leeyihiin deegaanka Yaaq-Biimo oo u dhaxeeya deegaanka Yaaq-raar iyo Biroole oo Kismaayo ka xiga Dhanka Galbeed.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in dagaalku uu socday muddo saacado ah, isla markaana labada dhinac ay isku adeegsadeen labada dhinac.

Waxaana jiro khasaare kala duwan oo ka dhashay Dagaalka, kaasi oo soo kala gaaray labada dhinac.

Saraakiisha ciidamada ammaanka Jubbaland ayaa sheegay in dagaalkaasi ku dileen afar ka tirsan dagaalyahanada Al-Shabaab.

Sidoo kale saraakiisha ciidamada ayaa sheegay in ay howl gallo ka wadaan deegaanadii uu dagaalku ka dhacay.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Al-Shabaab kaasi oo ku aadan dagaalka ay maanta ku qaadeen saldhigaasi ciidan, Al-Shabaab ayaana kordhiyay weerarada ay ka geystaan deegaanada maamulka Jubbaland.

Al-Shabaab ayaa maalmo ka hor weerar ku qaaday saldhig ay ciidamada Jubbaland ay ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguune dhanka waqooyi kaga beegan caasimada kumeel gaarka ee dowlad goboleedka Jubbaland ee Kismaayo.