Beesha caalamka oo kulamo la leh madaxda DF,dowlad goboleedyada, iyo midowga musharixiinta

34

Doorashada Soomaaliya oo weli muran ka taaganyahay, ayaa waxaa socda dedaalo lagu xalinayo murankaasi,kuwaasi oo ay wadaan xubnaha Beesha Caalamka, ee fadhigoodu yahay Xarruunta Xalane.

Warar ay heshay KNN ayaa sheegaya in wakiilada Beesha Caalamka ee loo soo gaabiyo C6+ ay isugu keenayaan, Madaxda dowladda Federaalka, Dowlad Goboleedyada iyo Midowga Musharaxiinta, si xal loogu helo is mari waaga ka taagan doorashada.

Wararka ayaa intaasi ku daraya in kulamadan ay isugu jiraan kuwo is-horfadhi ah iyo qaar  ka dhici doona Internate-ka gaar ahaan aaladda Zoom.

Dowladda Soomaaliya ayaa iyadu hore ugu dhawaaqday in dalka doorasho aaday, iyadoona sheegtay in aanu jirin doonin waqti dambe oo shacabka Soomaaliyeed ka luma, balse midowga musharixiinta ayaa ka soo horjeedsaday arrinkaasi.