Midowga Musharixiinta oo si adag uga hadlay walaaca waalidiin ay carruur ka maqantahay

9

Golaha midowga Musharixiinta madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa wallaac ka muujiyay cabashada waalidiinta Soomaaliyeed kuwaasi oo sheegaya in ay la’yihiin carruurtooda waxa ay ku suganyhihiin nolol iyo geeri.

Afhayeenka Golaha midowga musharixiinta Ridwaan Xirsi Maxamed oo  la hadlay warbaahinta ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in la siyaasadeeyo walaaca waalidiinta Soomaaliyeed ee carruurta ka maqan yihiin.

Afhayeen Riwaan oo sii hadlaya ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in ay waalidiinta u caddeyso halka ay carruurtoodu ku suganyihiin.

“Dowladda Federaalka waxaa looga baahan yahay inay caddeymo dhab ah u keento arrinta dhalinyarada tababarka loogu qaaday dalka Eritrea, kuma filna in arrintaas laga dhigo mid siyaasadeed, waxaana aragnay in dad leh dhalinyaradii loo qaaday dalkaas waa dhinteen, looma baahno in dhalinyarada looga faa’iideysto dhibaatada heysata” ayuu yiri Afhyeen Ridwaan .

Maalmihii la soo dhaafay waxaa si wayn warbaahinta u qabsaday in ciidamo Soomaali ah oo tababar loo geeyay dalka Ereteria, ay ka qeyb galeen dagaalkii u dhaxeeyay dowladda Itoobiya iyo xoogaga TPLF, balse dowladda Soomaaliya ayaa dhammaan beenisay eedahaasi.