Al-Shabaab oo maanta la wareegay deegaan hoos taga Qoryooley

32

Wararka ay Idaacadda MARKABLEY  ka heleyso gobolka Shabeellada Hoose waxay sheegayaan in ciidamada AMISOM ay isaga baxeen deegaan istiraatiiji ah oo ku dhow degmada Qoryooleey.

Ciidamadaas oo ahaa kuwa Uganda ayaa sida la sheegay waaberigii hore ee saakay isaga baxay saldhig ay ku lahaayeen deegaanka Mashallaay oo u dhaxeeya magaalooyinka Qoryooleey iyo Buula-Mareer ee gobolka Shabeellada Hoose.

Dadka deegaanka Mashallaay ayaa MARKABLEY u sheegay in wax yar un kadib markii ay baxeen ciidamada AMISOM ay deegaanka soo galeen dagaalamayaal ka tirsan Al-Shabaab.

Wararka aan maanta ka helayno deegaanka Mashallaay waxay intaas ku darayaan in Al-Shabaab markii ay la wareegeen ay isugu yeereen dadka deegaanka, isla markaana ay kula hadleen goob fagaare ah.

Sanadkii 2014-kii ayay aheyd markii ay ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ay Al-Shabaab dagaal uga qabsadeen degmada Qoryooleey iyo deegaanka Mashallaay oo hoos taga, balse maanta ayey ciidamadu soo baneeyeen saldhigyadii ay ku lahaayeen deegaankaas, oo muhiim u ah isu-socodka magaalooyinka Qoryooleey iyo Buula-Mareer.