Faahfaahino ka soo baxaya khasaaraha duqeyn maanta ka dhacday Jamaame

14

Warbaahinta taageerta Al-Shabaab ayaa maanta baahisay inay saakay barqadii diyaarad Drone ah duqeyn ka fulisay duleedka degmada Jamaame ee gobolka Jubbada Hoose.

Warkan waxaa lagu sheegay in duqeyntaas lagu dilay mid ka mid ah odayaasha dhaqanka beelaha Soomaaliyeed, kaas oo ay magaciisa ku sheegeen Suldaan Maxamed Cabaas.

Xalay ayey aheyd markii diyaaradaha Mareykanka ay duqeyn xoog leh ka fuliyeen deegaanka Tiyeeglow oo ka tirsan gobolka Bakool ee koonfurta Soomaaliya.

Taliska ciidamada Mareykanka ee AFRICOM ayaa shaaciyay in duqeyntii xalay ay ku burburiyeen xaruntii Idaacadda Al-Andaruus ee Al-Shabaab, faraceedii deegaanka Tiyeeglow.

Sidoo kale taliska ciidamada Mareykanku warbixintiisa kuma xusin wax khasaare nafeed ah oo ka dhashay duqeynta Tiyeeglow, marka laga soo tago burburinta xaruntaas Idaacadda Al-Shabaab.

Sidoo kale Talisku weli war kama soo saarin duqeyntaan la sheegay in maanta ay ka dhacday degmada Jamaame gobolka Jubbada Hoose, taas oo warbaahinta Al-Shabaab ay werisay in lagu dilay oday nabadoon ahaa.