Guddiga xaqiiqo raadin xadka Soomaaliya iyo Kenya oo baaritaankii soo gabagabeeyay

16

Guddi uu madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle u xil saaray xaqiiqo-raadin ku saabsan waxyaabaha ay isku hayaan dowladaha Soomaaliya iyo Kenya ayaa soo gebagabeeyay baaritaankooda, waxaana warbixinta ay diyaariyeen la wadaageen madaxweynaha Jabuuti.

Guddiga oo la sameeyay kadib shirkii urur goboleedka IGAD ee ka dhacay caasimadda Jabuuti bishii December ee la soo dhaafay ayaa booqday labada dal.

Yaasiin Cilmi Buux oo ah safiirka Jabuuti u fadhiya Kenya oo kamid ah guddiga ayaa sheegay in labadan dhinac ay la kulmeen isla markaana ay warbixintooda u gudbiyeen madaxweynaha Jabuuti Ismaaciil Cumar Geelle oo loo xil saaray xaqiiqo raadinta ku aadan khilaafka Soomaaliya iyo Kenya.

“Guddiyadii waxay tageen labada waddan, Muqisho ayay ku horreysay…dad waan wareysanay, madax badan baa la kulannay, madaxda soomaalida, madaxda Kenya..sidii aan wax u arkeynay madaxweynaha waan ugu keenay”

Bishii December ee sanadkii tagey shirkii urur goboleedka IGAD ee Jabuuti waxaa ka dhacay kulan ay isku hor fariisteen madaxwaynayaasha Soomaaliya iyo Kenya. Waxaa shirkaas goobjoog ka ahaa madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle iyo Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

BBC