Guddoomiye Jeyte oo si adag uga hadlay shacab iyo askar laga afduubtay G/Hiiraan

11

Cali Jeyte Cismaan guddoomiyaha gobolka Hiiraan oo la hadlay warbaahinta ayaa ku eedeeyey ciidamada dowlad deegaanka Soomaalida ee Liyuu Boolis inay dhibaato ku yahaan shacabka reer Hiiraan.

Guddoomiye Jeyte oo warbaahinta kula hadlay magaalada Beledweyne ayaa sheegay in saacadihii lasoo dhaafay ciidamada Liyuu Boolis ay dad shacab ah iyo ciidan ka afduubteen deegaano ay ka mid yihiin Xudey iyo Wagle oo ka tiran gobolka Hiiraan ee bartamaha Soomaaliya.

Goddoomiyaha gobolka Hiiraan ayaa yiri, “Dad isugu jira shacab iyo ciidan ayey si afduub ah Daraad uga qabsadeen inta u dhaxeysa Xudey iyo Weglle, sifo sharci daro ah ayayna ku heystaan, mana jirto ciid nagala hadashay arrintaas oo nagala xajootay, waxaana ay arintaas dhalineysaa cawaqib xumo daran.”

Sidoo kale guddoomiye Cali Jeyte Cismaan ayaa sheegay in aysan u dulqaadan doonin xad-gudubyo uu sheegay inay gudaha gobolka ka wadaan ciidamada Liyuu Boolis ee ka howlgala dhulka dowlad deegaanka Soomaali Galbeed.