Natiijo hordhac ah oo ka soo baxday doorashadii ka dhacday Uganda

12

Warbaahinta dalka Uganda ayaa maanta baahisay in codadka la tiriyay ee doorashada ka socota dalkaas uu willi ku horeeyo Madaxweynaha talada haya Yuweri Musaveni.

Wargayska Daily Monitor la yiraahdo oo ka mid ah wargaysyada ugu caansan Uganda ayaa weriyey inuu kasoo xigtay guddiga doorashada  in madaxweyne Musaveni uu haysto wax ka badan 61% codadka illaa hadda la tiriyay.

Musharaxa ku soo xiga Musaveni ee Bobi Winenna ayaa haysta illaa hadda codad dhan 27.9%.

Guddiga doorashaddu waxay sheegeen inay maanta gelinka dambe shaacin doonaan natiijadda ugu dambeysa ee doorashada Uganda.

Ciidamo fara badan ayaa willi ku sugan wadooyinka magaalada caasimadda ah ee Kampala, inkastoo ganacsigii uu dib u bilowday xaaladda guud ee dalkana ay degantahay.