Wasiir Duraan: Waxaa naga go’an Isl-xilqaan inuu gaaro dhammaan xarumaha adeegga qaran

21

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Duraan Axmed Faarax ayaa caddeeyay inay go’an tahay sidii loo dar-dargalin lahaa barnaamijka dib u dhiska xarumaha adeegga qaran ee Is-xilqaan, ka dib kulan uu maanta xafiiskiisa kula yeeshay Wasiirka Howlaha Guud,dib u dhiska iyo guriyenta Xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mudane Maxamed Aadan Macalin (Soomaali) iyo Maareeyaha Guud ee Wakaaladda Hormarinta dhismaha Soomaaliyeed, Sareeye Guud Bashiir Maxamed Jaamac.

Kulanka inta uu socday waxaa lagu dheeraaday sidii loo dardargalin lahaa Barnaamijka Is-xilqaan,loona dhammaystiri lahaa goobaha uu ka socdo,iyadoo kulanka lagu sheegay in la billaabo dayactirka iyo dib u dhiska dhismayaasha muhiimka ah ee u adeegaya Qaranka.

“Waxaa lagu guuleystay in dib loo dhiso xarumo muhiim u ah qaranka , muddadii uu socday Barnaamijka Is-xilqaan, hadda ujeeddadu waxay tahay in la xoojiyo , lana dardargaliyo.” ayuu yiri Wasiir Duraan oo inta ku daray  “Hindisahan oo ah aragti ka timid Madaxweynaha Jamhuuriyadda, waxaa ka go’an xukuumadda inuu gaaro dhammaan xarumaha adeegga Qaranka.”

Wasiirka Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, wuxuu ammaanay shaqaalaha rayidka Dawladda oo door muuqda ka qaadanaya Barnaamijka Is-xilqaan iyo dhammaan dhinacyada kale ee ku lugta leh,iyadoo kulanka uu goobjoog u ahaa sarkaalka u xil saaran Is-xilqaan Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada, Mudane Ismaaciil Macalin.